Fayrasyada neef-mareenka ee soo baxaya, oo uu ku jiro COVID-19: hababka lagu ogaado, looga hortago, wax looga qabto iyo xakameynta

Fayrasyada corona waa qoys ballaaran oo fayrasyo ah oo lagu yaqaan inay sababaan jirro u dhexeeya hargabka caadiga ah iyo cudurrada aad u daran sida Caabuqa Neef-mareenka ee Bariga Dhexe (MERS) iyo Caabuqa Neef-mareenka ee ba'an (SARS).

Fayraska cusub ee korona (COVID-19) ayaa lagu arkay sanadka 2019 gudaha Wuhan, Shiinaha. Kani waa korono fayras cusub oo aan horay loogu arkin aadanaha.

Koorsadani waxay bixineysaa hordhac guud ee COVID-19 iyo fayrasyada neef-mareenka soo baxaya waxaana loogu talagalay xirfadleyda caafimaadka bulshada, maamulayaasha dhacdooyinka iyo shaqsiyaadka shaqaalaha ah ee u shaqeeya Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah iyo Hay'adaha aan Dawliga ahayn.

Maaddaama magaca rasmiga ah ee cudurka waraaqahan loo sameeyay, waxkastoo lagu sheego nCoV waxa uu tixraacayaa COVID-19, cudurka faafa ee sababay inta badan fayraska cudurka corona ee dhawaan la helay.

Fadlan la soco in nuxurka koorsadan hadda dib loo eegayo si loo muujiyo hagitaankii ugu dambeeyay. Waxaad ka heli kartaa macluumaad cusub oo ku saabsan mowduucyo la xiriira COVID-19 qaarkood koorsooyinka soo socda:

Tallaalka: ** kanaalka tallaalka COVID-19 **

Tallaabooyinka IPC: ** IPC ee COVID-19**

Tijaabada ogaanshaha deg-degga ah ee antigen: 1) ** SARS-CoV-2 antigen baarista degdega ah ee ogaanshaha**; 2) ** Tixgelinta muhiimka ah ee SARS-CoV-2 antigen RDT fulinta **

Fadlan ogow: Agabkaan waxaa la bilaabay 03/03/2020.

En mode autodidacte
Langue: Soomaaliga
COVID-19

Informations sur le cours

Koorsadaan waxaa sidoo kale lagu helayaa luuqadaha xiggo:

English - français - Español - 中文 - Português - العربية - русский - Türkçe - српски језик - فارسی - हिन्दी, हिंदी - македонски јазик - Tiếng Việt - Indian sign language - magyar - Bahasa Indonesia - বাংলা - اردو - Kiswahili - አማርኛ - ଓଡିଆ - Hausa - Tetun - Deutsch - Èdè Yorùbá - ਪੰਜਾਬੀ - Asụsụ Igbo - isiZulu - Afraan Oromoo - دری - Kurdî - پښتو - मराठी - Fulfulde- සිංහල - Latviešu valoda - తెలుగు - Esperanto - ภาษาไทย - chiShona - Kreyòl ayisyen -Казақ тілі - தமிழ் - Ελληνικά

Dulmar guud: Koorsadani waxay bixisaa hordhac guud oo ku saabsan fayrasyada neef- mareenka soo baxaya, oo ay ku jiraan fayrasyada corona ee cusub. Dhammaadka koorsadan, waa inaad awood u yeeshaa in aad qeexdo:

  • Noocyada fayrasyada neef-mareenka soo baxaya, sida loo ogaado oo loo qiimeeyo dillaaca, istiraatiijiyado looga hortago loona xakameeyo dilaacyada fayrasyada neef-mareenka cusub;
  • Istaraatiijiyado noocee ah ayaa loo adeegsan karaa in lala xiriiro khatarta laguna hawlgeliyo bulshooyinka sidii loo ogaan lahaa, looga hortagi lahaa loogana jawaabi lahaa soo bixitaanka fayraska neef-mareenka ee cusub.

Waxaa jira agabyo ku lifaaqan cutub kasto si ay kaaga caawiso inaad mawduucan aad uga sii dheeraato.

Ujeeddada barashada: Qeex mabaadii'da aasaasiga ah ee fayrasyada neef-mareenka soo baxaya iyo sida si wax ku ool ah looga jawaabo dillaaca.

Muddada Koorsada: Ku dhawaad 3 saacadood.

Shahaadooyin: Diiwaan Shahaadada guul gaadhidu wax Qabadka ayaa loo heli doonaa kaqeybgaleyaasha kuwaas oo keenay ugu yaraan 80% wadarta dhibcaha la heli karo dhammaan weydiimaha. Ka -qaybgalayaasha qaata Diiwaanka Waxqabadka ayaa sidoo kale soo dejisan kara Badjad Furan ee koorsadan. Guji halkan si aad u ogaato sida.

Maaddaama magaca rasmiga ah ee cudurka waraaqahan loo sameeyay, waxkastoo lagu sheego nCoV waxa uu tixraacayaa COVID-19, cudurka faafa ee sababay inta badan fayraska cudurka corona ee dhawaan la helay.

Waxaa loo tarjumay Somali waxaana tarjumay qof tabaruca ah ee fayrasyada neef-mareenka ee soo baxaya, oo uu kujiro Emerging respiratory viruses, including COVID-19: methods for detection, prevention, response and control, 2020. Hay’ada Caafimaadka Aduunka ka masuul ma aha nuxurka ama sax ahaanta tarjumaadan. Haddii ay dhacdo iswaafaq la'aan u dhaxaysa Ingiriisiga iyo Somali tarjumaadda, nooca asalka ah ee Ingiriisiga ayaa noqon doona mid ansax ah oo run ah.

Hay’ada Caafimaadka Aduunka maysan xaqiijinin tarjumaadan. Agabkan waxaa loogu talagalay ujeedooyinka taageerada barasho oo kaliya.

Contenu du cours

  • Cutub 1: Hordhac fayrasyada neef-mareenka ee soo baxaya, oo uu ku jiro COVID-19:

    Ujeedada guud ahaaneed ee barashada: Si aad u awoodo inaad sharaxdo sababta fayraska neef-mareenka soo baxaya, oo uu ku jiro COVID-19 ayaa ah khatar caalami ah oo caafimaadka aadanaha ah
  • Cutub 2: Ogaanshaha Fayrasyada neef-mareenka ee soo baxaya, oo ay ku jirto COVID-19: Daba galka iyo Baadhitaanka Shaybaarka:

    Ujeedada guud ahaaneed ee barashada: Si loo faahfaahiyo sida loo ogaado loona qiimeeyo fayraska neef-mareenka soo baxaya
  • Cutub 3: Baadhitaanada sheybaarka:

    Dhammaadka cutubkan, kaqeybgalayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay sharaxaan: noocyada muunad qaadista loo baahan yahay, nooca baaritaanada sheybaarka loo adeegsaday si loo xaqiijiyo kiisaska.
  • Cutub 4: Xidhiidhka Halista iyo Kaqeybgalka Bulshada:

    Ujeedada guud ahaaneed ee barashada: In la qeexo farsamooyinka loo isticmaalayo in lagu wada xiriiro khatarta lagana qeyb galiyo bulshooyinka sidii loo ogaan lahaa, looga hortagi lahaa loogana jawaabi lahaa COVID-19
  • Cutub 5: Kaqeybgalinta bulshada:

    Dhamaadka cutubkan, kaqeybgalayaashu waxay awood u yeelan doonaan: Sharixista ugu yaraan saddex sababa oo ay jawaab celiyayaashu ugu baahan yihiin inay ka qaybgalaan bulshada inta uu socdo cudurka dillaacay, Tiri caqabadaha wajahay ka qeybgalinta bulshada (CE) iyo, Qeex hababka loo adeegsado CE shaqaynaya ee ogaanshaha, ka hortagga iyo ka jawaabidda cudurka dillaaca.
  • Cutub 6: Ka Hortagga iyo Kajawaabista fayraska neef-mareenka ee soo baxaya, oo uu ku jiros COVID-19:

    Ujeedada guud ahaaneed ee barashada: In la qeexo farsamooyinka looga hortagayo loona xakameynayo fayrasyada cudurada neef-mareenka ee soo baxaya, oo uu ku jiro dillaaca cudurka fayraska korona.

Inscrivez-moi à ce cours

Le cours est en accès libre. Créez votre compte et suivez le cours sur OpenWHO.
Inscrivez-moi maintenant

Certificate Requirements

  • Obtenez un certificat de réussite en gagnant plus de 80% du nombre maximal de points pour la somme de toutes les tâches hebdomadaires.