Taxaddarrada halbeegga ah: Nadaafadda Gacanta

Inta badan infekshinka la xiriira daryeelka caafimaadka waxaa looga hortagi karaa nadaafadda gacmaha oo wanaagsan - nadiifinta gacmaha waqtiga saxda ah iyo habka saxda ah. Tilmaamaha WHO ee ku saabsan nadaafadda gacanta ee daryeelka caafimaadka waxay taageerayaan kor u qaadida nadaafadda gacanta iyo hagaajinta rugaha daryeelka caafimaadka ee adduunka oo dhan waxaana buuxiya istiraatiijiyadda horumarinta caafimaadka gacmaha ee qaababka badan ee WHO, hageaha hirgelinta, iyo agabka hirgelinta, oo ka kooban agab badan oo adeegsi diyaar u ah. Qeybtan waxaa loo diyaariyey inay ka caawiso soo koobidda tilmaamaha WHO ee ku saabsan nadaafadda gacanta, aaladaha la xiriira iyo fikradaha hirgelinta hufan.

Fadlan ogow: Agabkaan waxaa la cusboonaysiiyay 18/01/2022.

В режиме самообучения
Язык: Soomaaliga
COVID-19

Информация о курсе

Koorsadaan waxaa sidoo kale lagu helayaa luuqadaha xiggo:

English - français - Português - العربية - Русский - Español - 中文 - Nederlands - Türk - සිංහල- தமிழ் - македонски - Shqip - Tetun - қазақ тілі - Հայերեն - ქართული ენა

Dulmar guud: Gacmaha shaqaalaha daryeelka caafimaadku (HCWs) waxay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta bukaannada. Haddii HCWs aysan gacmahooda nadiifin xilliyada saxda ah, iyagoo adeegsanaya hababka saxda ah, waxay bukaanada ukala gudbin karaan gacmahooda noole-yaraha keenaya infekshinka. Sameynta nadaafadda gacanta waqtiyada muhiimka ah waa faragelin daryeel caafimaad oo muhiim ah. Nadaafadda gacantu waxay yareysaa gudbinta noole-yaraha (oo ay ku jiraan kuwa u adkaysta antibiyootigga), waxay kordhisaa badbaadada bukaanka, waxayna yareysaa caabuqa la xiriira daryeelka caafimaadka (HAI). Nadaafadda gacanta hufan ee waqtigeeda ah waa asaaska ka hortagga iyo xakameynta infekshinka.

Ujeeddooyinka barashada:

Dhamaadka koorsadan, kaqeybgalayaashu waa inay awoodaan inay:

  • qeexaan nadaafadda gacmaha inay qayb muhiim ah u tahay ka hortagga iyo xakameynta infekshinka;

  • aqoonso 5ta Goor ee Nadaafadda Gacanta;

  • ka hadal adeegsiga galoofiska iyo nadaafadda gacanta inta lagu jiro howlaha daryeelka bukaanka;

  • Muuji sida saxda ah ee gacmaha loogu dhaqo saabuun iyo biyo iyada oo la raacayo habka WHO ku taliyey;

  • Muuji sida saxda ah ee loo sameeyo nadaafadda gacanta ee gacan- xoqidda aalkolada laga sameeyay (ABHR) marka loo eego habka WHO ku taliyey; iyo

  • ka hadal arrimaha muhiimka ah iyo tixgelinta nadaafadda gacanta ee rugta daryeelka caafimaadka.

Muddada Koorsada: Qiyaastii 1 saac.

Shahaadooyinka: Diiwaanka Guulaysiga ayaa la siin doonaa kaqeyb galayaasha hela ugu yaraan 70% imtixaanka-dambeedka. Waxaad haysataa tiro aan xadidneyn oo iskuday ah inaad la kulanto marinka. Ka -qaybgalayaasha qaata Diiwaanka Waxqabadka ayaa sidoo kale soo dejisan kara Badjad Furan ee koorsadan. Guji halkan si aad u ogaato sida.

Loo fasiray af Soomaali ka bilow Standard precautions: Hand hygiene, 2020 WHO masuul kama ahan tusmada ama saxnaanta fasiraadaan. Haddii ay dhacdo is waafaqsanaan la’aan u dhaxeyso fasiraada Ingiriiska iyo af Soomaaliga, nooca Ingiriiska asalka wuxuu ahaanayaa nooc ku xiran oo dhab ah. Fasiraadaan maysan xaqiijin WHO. Illahaan waxaa loogu tallogalay barashada ujeedooyinka taageerada waxbarashada kaliya.

Записаться на этот курс

Курс предлагается бесплатно. Просто зарегистрируйте учетную запись на OpenWHO и пройдите курс!
Зачислить меня

Требования для получения сертификата

  • Чтобы получить сертификат об окончании курса, участникам необходимо набрать не менее 70% от максимального количества баллов за все задания на оценку.