Курс доступен
Koorsadan oo ka mid ahMaareynta Daaweynta Bukaannada qaba taxanahaCOVID-19 ayaa loogu talagalayxeelada ugu horreeya ee bukaanka aadka u xanuunsan. Mawduucyada dib loo eegay waxaa kamid ah baaritaanka iyo kala-soocidda, oo ay ka mid tahay qudbo ku saabsan qalabka Isku-dhafan ee kala-soocida isdhexgalka; liiska warbixinta caafimaadka degdegga ah ee WHO; iyo goobta loogu talagalay dib-u-daaweynta. Xeelad nidaamsan oo loogu talagalay bukaanka aadka u xanuunsan ayaa lagu baraa taxanaha Daryeelka Degdegga Aasaasiga ah xeelada ABCDE, Xeelada neefsashada oo adkaata, xeelada naxdinta, iyo u xeelada xaalad maskaxeedka ee la badelay. Hadafka cutubyadaan waa in la diyaariyo oona la taageero bixiyeyaasha caafimaadka maadaama ay daryeel degdeg ah u fidiyaan bukaannada sida saa'idka u xanuunsan.
Qalabkan ayaa la bilaabay 05/05/2021. Maaddaama caddaynta sayniska iyo hagidda farsamada ee ku saabsan COVID-19 ay si joogto ah u kobcayaan, agabka koorsadan waa kuwo duugoobay. Kooraskan waxa uu ku socdaa dib u eegis Dhanka kale, fadlan tixraac https://www.who.int/emergencies/diseases/novel-coronavirus-2019 si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay. Photo credits: WHO/Yikun Wang
Koorsadaan waxaa sidoo kale lagu helayaa luuqadaha xiggo:
English - Español - Português - Russian - Հայերեն
Guudmarka: Maareynta Daaweynta Bukaannada qaba COVID-19 ayaa loo sameeyay taxanaha koorsadaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka inta lagu gudajiray cudurka safmarka ah ee COVID-19. Taxanaha wuxuu bixiyaa aqoon muhiim ah oo lagama maarmaan u ah bixinta daryeelka caafimaadka bukaanka oo badbaado, iyo tayo leh. Bandhigyada waxay ka hadlayaan dhammaan dhinacyada maareynta caafimaadka, oo ay ku jiraan diyaarinta xarunta iyo qorsheynta kor u qaadista; shaqaalaha caafimaadka kahortaga iyo xakameynta caabuqa; gudbinta iyo wareejinta; maareynta caafimaadka bukaanka ee khafiifka ah, dhexdhexaadka ah, iyo kuwa aadka u daran ee qaba COVID-19; tixgelinnada gaar ah oo loogu talagalay dadka waayeellada ah, kuwa uurka leh, iyo bukaannada carruurta ee qaba COVID-19; Baxnaaninta; iyo anshaxa iyo daryeelka bukaanka.
Taxanaha koorsada waxaa ku jira qudbooyin muuqaala ah iyo bandhigyo la dejisan karo oo lagu cusbooneysiiyay hagitaankii ugu dambeeyay iyo dhacdooyinkii. Cutub kasta wuxuu ka koobanyahay 5-10 qudbo, qudba kastana waxaa ku jiro su'aalo lagu qiimeeyo barashada aqoonta.
Haddii aad xiiseyneyso inaad waxbadan ka ogaato dhinacyada kale ee maareynta daaweynta bukaannada qaba COVID-19, fadlan tixraac cutubyada ka haray koorsadaan taxanaha ah (waxaa lagu heli karaa Ingiriis):
Clinical management of patients with COVID-19: General considerations
Clinical management of patients with COVID-19: Rehabilitation of patients with COVID-19
Ujeeddooyinka waxbarashada: Dhammaadka koorsadan, kaqeybgalayaasha waxaad awood u yeelan doonaan:
sharax hadraaca daryeelka COVID-19, oo ay ka mid yihiin baaritaanka, karantiilka, kala-sooca ku saleysan feejignaanta iyo ka saarida bukaanka hadraaca;
sharax doorka Kala-soocida ku saleysan feejignaanta;
sharax qalabka is-dhexgalka isku-dhafan ee joogtada ah xarunta qalabka kala-sooca iyo u adeegsiga kala-soocida dadka waaweyn iyo carruurta;
sharax waxyaalaha muhiimka ah ee ku aaddan goobta dib-u-kicinta qaybta gurmadka;
u isticmaal liiska warbixinta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka ee maareynta bukaanka aadka u xanuunsan;
laxiriiri qeybaha ABCDE Xeelada nidaamsan ee bukaanka aadka u xanuunsan;
qor qeybaha SANBALKA taariikhda;
sharaxaad ka bixi qaabdhismeedka, abaabulk iyo adeegsiga xeelada nidaamsan ee ABCDE oo loogu talagalay bukaanka aadka u xanuunsan;
aqoonso sababaha muhiimka ah, calaamadaha iyo astaamaha iyo maareynta ku aadan: xanibaada hawa-mareenka oo aad u daran, neefsashada oo ku adkaata, wareega yarida dhecaanka iyo naxdinta iyo xaalad maskaxeed oo la badelay; iyo
ka wada hadla tixgelinnada gaarka ah iyo kala duwanaanta maareynta ku aadan bukaanka xanuunka daran ee caafimaadka carruurta ee soo muujiya: xanibaada hawa-mareenka oo aad u daran, neefsashada oo ku adkaata, wareega yarida dhecaanka iyo xaalad maskaxeed oo la badelay.
Muddada koorsada: Koorsadani waxay qaadan doontaa ugu yaraan 6 saacadood in la dhammeeyo.
Shahaadooyinka: Diiwangalinta Guusha Shahaadada waxaa heli doona kaqeybgalayaasha keena dhibcaha ugu yaraan 80% wadarta dhibcaha lagahelaayo dhamaan su'aalaha. Caddaynta kaqaybgalka Shahaadada sidoo kale waxa heli karaa kaqaybgalayaasha dhameeyay ugu yaraan 80% maadada koorsada.
Loo turjumay Soomaali laga bilaabo Clinical management of patients with COVID-19: Initial approach to the acutely ill patient, 2021. WHO mas'uul kama aha nuxurka ama saxsanaanta tarjumaadan. Haddii ay dhacdo wax iswaafaqid la'aan ah oo u dhexeeya Ingiriiska iyo tarjumaadda Soomaali, nooca Ingiriiska asalka ah ayaa noqon doona isku xiraha iyo nooca saxda ah. Tarjumaadaan ma aysan xaqiijinin WHO. Agabkan waxaa loogu talagalay ujeedooyinka taageerada waxbarashada oo kaliya.