Maareynta caafimaadka bukaanada qaba COVID-19: xeelada ugu horreeysa ee bukaanka aadka u xanuunsan

Koorsadan oo ka mid ahMaareynta Daaweynta Bukaannada qaba taxanahaCOVID-19 ayaa loogu talagalayxeelada ugu horreeya ee bukaanka aadka u xanuunsan. Mawduucyada dib loo eegay waxaa kamid ah baaritaanka iyo kala-soocidda, oo ay ka mid tahay qudbo ku saabsan qalabka Isku-dhafan ee kala-soocida isdhexgalka; liiska warbixinta caafimaadka degdegga ah ee WHO; iyo goobta loogu talagalay dib-u-daaweynta. Xeelad nidaamsan oo loogu talagalay bukaanka aadka u xanuunsan ayaa lagu baraa taxanaha Daryeelka Degdegga Aasaasiga ah xeelada ABCDE, Xeelada neefsashada oo adkaata, xeelada naxdinta, iyo u xeelada xaalad maskaxeedka ee la badelay. Hadafka cutubyadaan waa in la diyaariyo oona la taageero bixiyeyaasha caafimaadka maadaama ay daryeel degdeg ah u fidiyaan bukaannada sida saa'idka u xanuunsan.

Qalabkan ayaa la bilaabay 05/05/2021. Maaddaama caddaynta sayniska iyo hagidda farsamada ee ku saabsan COVID-19 ay si joogto ah u kobcayaan, agabka koorsadan waa kuwo duugoobay. Kooraskan waxa uu ku socdaa dib u eegis Dhanka kale, fadlan tixraac https://www.who.int/emergencies/diseases/novel-coronavirus-2019 si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay. Photo credits: WHO/Yikun Wang

En mode autodidacte
Langue: Soomaaliga
COVID-19

Informations sur le cours

Koorsadaan waxaa sidoo kale lagu helayaa luuqadaha xiggo:

English - Español - Português - Russian - Հայերեն

Guudmarka: Maareynta Daaweynta Bukaannada qaba COVID-19 ayaa loo sameeyay taxanaha koorsadaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka inta lagu gudajiray cudurka safmarka ah ee COVID-19. Taxanaha wuxuu bixiyaa aqoon muhiim ah oo lagama maarmaan u ah bixinta daryeelka caafimaadka bukaanka oo badbaado, iyo tayo leh. Bandhigyada waxay ka hadlayaan dhammaan dhinacyada maareynta caafimaadka, oo ay ku jiraan diyaarinta xarunta iyo qorsheynta kor u qaadista; shaqaalaha caafimaadka kahortaga iyo xakameynta caabuqa; gudbinta iyo wareejinta; maareynta caafimaadka bukaanka ee khafiifka ah, dhexdhexaadka ah, iyo kuwa aadka u daran ee qaba COVID-19; tixgelinnada gaar ah oo loogu talagalay dadka waayeellada ah, kuwa uurka leh, iyo bukaannada carruurta ee qaba COVID-19; Baxnaaninta; iyo anshaxa iyo daryeelka bukaanka.

Taxanaha koorsada waxaa ku jira qudbooyin muuqaala ah iyo bandhigyo la dejisan karo oo lagu cusbooneysiiyay hagitaankii ugu dambeeyay iyo dhacdooyinkii. Cutub kasta wuxuu ka koobanyahay 5-10 qudbo, qudba kastana waxaa ku jiro su'aalo lagu qiimeeyo barashada aqoonta.

Haddii aad xiiseyneyso inaad waxbadan ka ogaato dhinacyada kale ee maareynta daaweynta bukaannada qaba COVID-19, fadlan tixraac cutubyada ka haray koorsadaan taxanaha ah (waxaa lagu heli karaa Ingiriis):

Ujeeddooyinka waxbarashada: Dhammaadka koorsadan, kaqeybgalayaasha waxaad awood u yeelan doonaan:

  • sharax hadraaca daryeelka COVID-19, oo ay ka mid yihiin baaritaanka, karantiilka, kala-sooca ku saleysan feejignaanta iyo ka saarida bukaanka hadraaca;

  • sharax doorka Kala-soocida ku saleysan feejignaanta;

  • sharax qalabka is-dhexgalka isku-dhafan ee joogtada ah xarunta qalabka kala-sooca iyo u adeegsiga kala-soocida dadka waaweyn iyo carruurta;

  • sharax waxyaalaha muhiimka ah ee ku aaddan goobta dib-u-kicinta qaybta gurmadka;

  • u isticmaal liiska warbixinta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka ee maareynta bukaanka aadka u xanuunsan;

  • laxiriiri qeybaha ABCDE Xeelada nidaamsan ee bukaanka aadka u xanuunsan;

  • qor qeybaha SANBALKA taariikhda;

  • sharaxaad ka bixi qaabdhismeedka, abaabulk iyo adeegsiga xeelada nidaamsan ee ABCDE oo loogu talagalay bukaanka aadka u xanuunsan;

  • aqoonso sababaha muhiimka ah, calaamadaha iyo astaamaha iyo maareynta ku aadan: xanibaada hawa-mareenka oo aad u daran, neefsashada oo ku adkaata, wareega yarida dhecaanka iyo naxdinta iyo xaalad maskaxeed oo la badelay; iyo

  • ka wada hadla tixgelinnada gaarka ah iyo kala duwanaanta maareynta ku aadan bukaanka xanuunka daran ee caafimaadka carruurta ee soo muujiya: xanibaada hawa-mareenka oo aad u daran, neefsashada oo ku adkaata, wareega yarida dhecaanka iyo xaalad maskaxeed oo la badelay.

Muddada koorsada: Koorsadani waxay qaadan doontaa ugu yaraan 6 saacadood in la dhammeeyo.

Shahaadooyinka: Diiwangalinta Guusha Shahaadada waxaa heli doona kaqeybgalayaasha keena dhibcaha ugu yaraan 80% wadarta dhibcaha lagahelaayo dhamaan su'aalaha. Caddaynta kaqaybgalka Shahaadada sidoo kale waxa heli karaa kaqaybgalayaasha dhameeyay ugu yaraan 80% maadada koorsada.

Loo turjumay Soomaali laga bilaabo Clinical management of patients with COVID-19: Initial approach to the acutely ill patient, 2021. WHO mas'uul kama aha nuxurka ama saxsanaanta tarjumaadan. Haddii ay dhacdo wax iswaafaqid la'aan ah oo u dhexeeya Ingiriiska iyo tarjumaadda Soomaali, nooca Ingiriiska asalka ah ayaa noqon doona isku xiraha iyo nooca saxda ah. Tarjumaadaan ma aysan xaqiijinin WHO. Agabkan waxaa loogu talagalay ujeedooyinka taageerada waxbarashada oo kaliya.

Contenu du cours

  • Cutubka 1aad: Baaritaanka iyo kala-sooca:

    Ujeeddooyinka Cutubka: sharax hadraaca daryeelka COVID-19; Sharax baaritaanka, karantiilka iyo kala-soocida ku-saleysan feejignaanta sida lagu muujiyey hadraaca daryeelka COVID-19, iyo in la aqoonsado qaababka bukaanka looga sii deyn karo hadraaca daryeelka COVID-19.
  • Cutubka 2aad: Qalabka isku-dhafan ee is-dhexgalka Kala-sooca:

    Ujeeddooyinka Cutubka: sharax qaababka kala-sooca; la xiriiri hadafyada hannaanka kala-soocidda; aqoonso hadafyada maareynta iyo deg-degga loogu talagalay bukaannada loo qoondeeyey Casaan, Jaale ama Cagaar; u adeegso qalabka isku-dhafan ee kala-soocidda Isdhexgalka ee xarunta kiisaska dadka waaweyn; u adeegso xarunta joogtada ah ee qalabka isku-dhafan ee kala-soocidda Isdhexgalka ee loogu talagalay kiisaska carruurta.
  • Cutubka 3aad: Xulashada goobta dib-u-kicinta:

    Ujeeddooyinka Cutubka: sharax ujeedada loogu talagalay booska dib-u-kicinta oo si cad loo qoondeeyey; aqoonso afar astaamood oo muhiim u ah booska dib-u-kicinta ee shaqeynaya; qor kheyraadka muhiimka ah ee ku jira meel dib-u-soo-kicinta; Sharax imaanshaha, kala-sooca, iyo habka dib-u-soo-kicinta bukaanka loo soocay sidii Casaan; iyo aqoonso talaabooyinka ay tahay in la qaado ka hor inta aysan bixiyeyaasha ka bixin goobta dib-u-kicinta.
  • Cutubka 4aad: Liiska warbixinta caafimaadka degdegga ah ee WHO:

    Ujeeddooyinka Cutubka: sharrax liiska warbixinta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, iyo aqoonso siyaabaha ay u taageereyso xukunka daaweynta; qeex wajiyada muhiimka ah ee hirgelinta liiska warbixinta; Sharax labada qodob ee hakadka ku jira liiska warbixinta, oo ay ku jiraan caqliga iyo waqtiga ku habboon mid kasta.
  • Cutubka 5aad: Xeelada ABCDE ee bukaanka aadka u xanuunsan:

    Ujeeddooyinka Cutubka: waxay la xiriiraan qeybaha xeelada nidaamsan ee ABCDE ee bukaanka aadka u xanuunsan; qor waxyaabaha ka mid ah SANBALKA taariikhda; Sharax muhiimada ay leedahay adeegsiga xeelada habdhismeedka ABCDE ee bukaan kasta oo xanuun daran, iyada oo aan loo eegin xaaladooda COVID-19; sharax muhiimada kala duwanaanshaha bukaanka aadka u xanuunsan, oo ay kujiraan calaamadaha halista iyo waxqabadyada haboon.
  • Cutubka 6aad: Xeelada bukaanka neefsashada dhib ku tahay:

    Ujeeddooyinka Cutubka: u samee xeelada nidaamsan ee ABCDE bukaanka dhibka ku qabo neefsashada; u qaado SANBALKA taariikhda la bartilmaameedsaday ee bukaanka ay ku adag tahay neefsashada; qor sababaha guud ee neefsashada ku adkaata; Sharax xirfadaha muhiimka ah ee loogu talagalay bukaanka neefsashada dhib ku tahay.
  • Cutubka 7aad: Xeelada bukaanka qaba naxdinta:

    Ujeeddooyinka Cutubka: u samee xeelada nidaamsan ee ABCDE bukaanka naxdinta leh; qaado SANBALKA taariikhda bukaanka naxdinta leh; qor sababaha guud ee naxdinta; Sharax xirfadaha muhiimka ah ee loogu talagalay bukaanka naxdin leh; sharax sida loo kormeero bukaanka qaata dareerayaasha faleebada naxdinta, iyo sababta la socoshada ay muhiim u tahay.
  • Cutubka 8aad: Xeelada bukaanka leh xaalad maskaxeed oo la badelay:

    Ujeeddooyinka Cutubka: samee xeelada nidaamsan ee ABCDE ee loogu talagalay bukaanka qaba xaalad maskaxeed oo la badelay; u qaado SANBALKA taariikhda la bartilmaameedsaday ee loogu talagalay bukaanka xaaladdiisa maskaxeed wax laga badelay; qor sababaha suurtagalka ah ee xaaladda maskaxda ee la badelay; Sharax xirfadaha muhiimka ah ee loogu talagalay bukaanka xaalad maskaxeed la badelay.

Inscrivez-moi à ce cours

Le cours est en accès libre. Créez votre compte et suivez le cours sur OpenWHO.
Inscrivez-moi maintenant

Certificate Requirements

  • Obtenez un certificat de réussite en gagnant plus de 80% du nombre maximal de points pour la somme de toutes les tâches hebdomadaires.
  • Obtenez une attestation de participation en complétant au moins 80% du matériel du cours.